24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Maxaa maanta ka dhacaya magaalada CADAADO?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa la filayaa in maanta uu ka furmo shir looga hadlayo arimaha doorashooyinka qaranka Soomaaliya kaasi oo masuuliyiin kala duwan ay ka qeyb galayaan.

Masuuliyiin uu hogaaminayo xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha ayaa shalay tagay magaalada Cadaado, isaga furaya shirka ka furmaya maanta magaaladaasi.

Waxaa ka qeyb galaya shirkaasi xubno kala matalaya maamulada ka jira dalka Soomaaliya iyo maamulada la doonayo in dhawaan ay dhismaan.

Xubno kala matalaya Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ayaa shalay tagay magaalada Cadaado si ay kaga qeyb galaan shirka maanta ka furmaya magaaladaasi.

Shirkaan oo kale ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana wali socdo kulamada kala duwan oo la filayo iney ka dhacaan magaalooyin kala duwan oo dalka ku yaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News