Hargeysa (Caasimada Online)- Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay qabteen dad qaraxyo diyaarinayay iyo agab Labtop-yo ah oo la doonayay in qaraxyo lagu sameeyo.
Qaraxyada ayaa waxaa la sheegay in lagu diyaarinayay xaafada Haaf London ee magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in la fashiliyay qorshaha laga lahaa qaraxyadaasi.
Ku dhawaad seddex ruux oo ku howlanaa qorshaha qaraxyada ayay xogta sheegeysaa in lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen shaqsiyaadka lasoo qabtay.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 7 labtop lagu soo qabtay shaqsiyaadka seddexda gaaraya ee ku eedeysan falkaasi, waxaana la sheegay in la doonayay in qaraxyo loo adeegsado.
Hargeysa ayaa maalinta beri ah waxaa loo diyaar garoobay in lagu qabto xuska maalinta 18-ka May oo Somaliland u aqoosan tahay xiligii ay ka go’een soomaaliya inteeda kale.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

