Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa sheegtay in ciidamada Badda ay si hordhac ah u heleen alaabo loo maleynaayo inay lahaayen rakaabkii la socday diyaaradii Masar ee Egyptair.
Waxyaabaha ay heleen Ciidamada Badda Masar ayaa waxaa kamid ahaa suufaf, Dhar iyo qolfoof loo maleynaayo inay kasoo hareen diyaaradii burburtay.
Dowladu waxa ay sheegtay in Ciidamadu ay sidoo kale heleen Jaakadaha loogu tallo galay rakaabka inay xirtaan xiliyada ay xaaladu ku xumaato, balse ay wali socdaan baaritaano lagu xaqiijinaayo musiibadaani dhacday.