Dagaal ka culus kuwii hore oo ka socda magaalada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu iminka ka socdaa Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne, kaasi oo u dhexeeya laba beel oo halkaasi wada dega.

Rasaas xoogan ayaa waxaa laga dhex maqlayaa Xaafada Howlwadaag, waxaana la sheegayaa in dagaalka maanta socda uu ka xoogan yahay dagaaladii maalmahaani ka socday magaalada Beledweyne.

Qoysaska qaarkood ayaa ku go’doonsan Xaafada Howlwadaag kuwaasi oo waayay meel ay ka baxaan, maadaama dushooda lagu dul dagaalamayo.

Bulshada Magaalada ku nool oo labo dhibaato ay isugu darsoontay ayaanan weli helin gurmadkii Dowladda, iyadoo Maamulka Gobolka uu ku fashilmay wax ka joojinta colaadaasi.

Ma jirto cid ka hadashay ama ka danqatay Dagaalka dhiiga badan uu ku daadanaayo kana socda Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com