Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe oo qeyb ka ah Madaxweynayaasha Gobolada ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in DFS aysan ka aqbali doonin inay baal-marto Hanaankii doorasho ee madaxda Soomaaliyeed ku heshiisay.
Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in Jubbaland aanu diyaar u aheyn inay carqaladeyso dhabaha lagu hagaayo Horumarka Somalia, balse waxa uu tilmaamay inay ku adag tahay inay u dulqaatan baal-marka Heshiiska la wadagalay.
“Anigu ma doonaayo inaan sabab u noqdo dhibaato hor leh oo ka dhacda Somalia, waxaan doonayaa in Somalia laga dhaqangalsho heshiis waliba oo aan wada gaarno, sidaa darteed wey nagu adag tahay inaan afka ka qabsano dadaalka ay Dowlada ugu jirto wax ka bedelka Hanaankii doorasho ee madaxda Soomaaliyeed ku heshiisay”
“Dowladu sharciga kama weyna waa in wax waliba ay u martaa qaab sharciyadeysan haddii taa la waayo dabcan farqaha ayaa leys qabsan doonaa”.
Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Khilaaf waliba oo ka dhex dhasho Madaxda dalka uu isbedel u keeni karo dalka, isaga oo sabab uga dhigay in khilaaf waliba uu ku xigi doono is fahan wax lagu kala qeybsado.
Haddalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya iyadoo mamaulka Puntland ay dhowr jeer digniin kasoo saartay in la bedelo Hanaankii doorasho ee madaxda Soomaaliyeed ku heshiisay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

