Muqdisho (Caasimada Online)-Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada ay ololiyaan Dagaalada maalmahaani ka socday magaalada Beledweyne.
Nabadoon Lixle oo kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda magaalada Beledweyne oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dagaalka Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne uu dhaqaale culus ku bixinaayo Xildhibaan Faarax C/qaadir.
Nabadoon Lixle waxa uu sheegay inay cadeynayaan in Dagaalkaasi uu ka danbeeyay Xildhibaan Faarax C/qaadir waxa uuna sidoo kale sheegay in dhiiga ku daatay magaalada ay kala xisaabtami doonaan Faarax C/qaadir.
Faarax C/qaadir ayuu sheegay in dagaalkaasi uu u adeegsanaayo dhaqaalada Dowlada islamarkaana uu fududeynaayo miisaaniyada la siin lahaa maleeshiyaadka uu dagaalka ka dhexeeyo.
Nuqul kamid ah hadalka Nabadoonka ayaa ahaa “ Dam Jadiid iyo dowladda, gaar ahaan Faarax Cabdiqaadir ayaa dagaal ka hurinaya Gobolka Hiiraan”
”Dhiiga ku daatay dagaalka waxaan kula xisaabtami doonaa Damul-jadiid, gaar ahaan Faarax C/qaadir”
Nabadoon Lixle, waxa uu sheegay in baaritaan ay sameeyen ay ku xaqiijiyeen in Faarax uu miisaaniyad culus ku bixiyay dagaalka.
Haddalka Nabadoon Lixle ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Guddoomiye ku-xigeenka Hiiraan Sheekh Xuseen uu sheegay in dagaalka ay hurinayaan Xildhibaano ka tirsan BFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

