Bankiga Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliyeed (BHDS) waxaa la asaasay 1963, Bankigu wuxuu dhisay mashruucyada ugu waa weyna ee dalka ka hirgalay sida Wershedihii iyo mashruucyadii Horumarinta.
Kadib burburkii Dawladii Dhexe bankigu waxa uu ka mid noqday Hayadihii ku xirmay dagaladii sukeeye, Bankiga Waxaa dib loo asaasay bishii August 2012 wareegto ka soo baxaday Madaxweyanahii kumeel gaarka Mudane Shiikh Shariif Axmed,wuxuuna u magacaabay Pro-Cabdillaahi Axmed Afrax Gudoomiye iyo Abshir Maxamed Ciise Agaasime Guud.
Himilooyinkii Bankiga dib loogu aasaasay waxay ahayeen inuu ku fidaa Gobollada Soomaaliya oo idil oo nabad iyo xasilooni ka jirto oo qayb libaax ka qaato Dib-u- dhiska iyo Horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee Dalka, isaga oo fulinaya, hirgelinayaa mashaariic ku wajahan kobcinta iyo horumarinta Dhinaca: xoola dhaqashada, Beeraha, Warshadaha, guriyenta, Macdanta iyo tamarta, kalluumaysiga iyo kaabayaasha Dhaqaale sida gaadiidka dhulka iyo badda iyo Dalxiiska IWM.
Bankigu wuxuu mudadaas ku hawlgeley 1% (percentage) ka mid ah miisaaniyada guud ee Dawladda Federaalka oo bishii u dhiganta inta u dhaxaysa $90,000.00 ilaa $120,000.00.
Maamulka Bankigu waxay lunsadeen lacagtii loogu tala galay in lagu kiciyo Bankiga si uu mar kale mashaariicdii lagu yaqaaney ugu fuliyo kadibna Caalamku wax la qabto, lacagtaas oo labada masuul ee ugu sareeya jeebabkooda ku dhacday.
Maamulka Bankigu wuxuu shaqaalaha Bankiga ku sameeyey mushahar dhimis labo jeer ilaa markii dambe la cayriyey shaqaale gaaraya 37 oo isugu jira Agaasimayaal iyo Shaqaale ,waxayna la soo hareen shaqaale gaaraya 11 qofood , shaqaalaha ku haray Bankiga ma helaan mushahar u dhigma ka shaqaalaha Dawladdu siiso iyo xuquuq kale, Tirada Shaqaalaha la cayriyey oo intaas leeg kama dhicin weli Hayadaha Dawladda, wax sharci ah oo loo maray ma jiro.
Ma jirto cid ay u dacwoodaan oo kamane diiwaan gashana Wasaarada Shaqada iyo Hayada Shaqada Shaqaalaha rayidka ah.
Maamulka Bankigu wuxuu ku guul daraystay in ay dib u soo celiyaan xiriiradii kala duwanaa ee Bankigu la lahaa sida Bankiga aduunka (World Bank), Bankiga Islaamka (IDB), Bankiga Africa iyo dhammaan hayadihii maaliyadda ee caalamka, waxaana sabab u ah nidaamka ay Bankigu ku shaqaynayo oo ah kaligiis talisnimo iyo hanti aruursi.
Hantidii Bankiga waxay u qaybsantay shan qaybood oo kala ah qayb si boob ah loo gatay, qayb la kiraystay , qayb dad madax ah ay ku raaxaystan iyadoo lagu raali geliyo iyo qayb burbursan.
Hadaba waxa la is weydinaa Dawladdu ma saanay ku rabtaa Bankiga in uu ku shaqeeyo mise warba kama hayso.
Madaxweynaha JFS, Raisal Wasaaraha, Gudida Maaliyada ee Baarlamaanka JFS, Hanti dhowrka, Xisaabiyaha Guud iyo Hayadaha kaleeto ee qusayso waxan ka codsanaynaa in ay tilaabo ka qaadan oo badbaadiyaan Bankiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

