Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Dowladiisu ay ka faa’iideysan doonto wakhtiga yar ee u harsan.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Caalamka uu indhaha ku hayo Somalia, sidaa darteedna ay lama huraan tahay in la tuso biseylka Somalia iyo sida ay ugu nugushahay Horumarka.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in marnaba uusan ka raali noqon doonin in Xildhibaano wakhtigooda dhamaaday ay madaxa isku galshaan Dowlada iyo Beesha Caalamka, waxa uuna tilmaamay in mudada harsan ay ka go’an tahay in Caalamka uu qanciyo.
“Anigu raali kama ahaan doono in Xildhibaano wakhtigooda uu gabogabo yahay ay carqaladeeyaan Siyaasada Somalia, waayo adduunka ayaa nala yaaban, waxaan ku khasbanahay inaan Caalamka tusno wixii ay ku qanci lahaayen”.
“Wey dhamaatay in Xildhibaanada aan la sugno howlo degdeg ah, waayo ma jirto kalsoonidii ay ku meel marin lahaayen”.
Xassan Sheekh waxa uu intaa raaciyay in wali ay jirto xushmadii kala dhexeysay Baarlamaanka balse go’aanada isa soo taraaya ay yihiin kuwo dalka looga maarmi waayay.
Haddalka Xassan Sheekh ayaa muujinaaya awood gaar ah oo uu ku tijaabinaayo Xildhibaanada, maadaama uu xiligooda dhamaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

