28 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Xog: Qodobada wada-hadallada DF & S/L oo aan helnay (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo shirka la filaayo in DFS iyo maamulka Somaliland uu 31 May uga furmi doona magaalada Istanbuul uu noqon doono mid culeyska lagu saaro dhowr qodob oo Somaliland ay xasaasi ka qabto.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirkaasi uu waxbadan ka duwanaan doono shirarkii hore islamarkaana ay Dowlada Turkiga ballanqaaday in labada dhinacba ay ku qancin doonto wixii jira.

Safiirka dawladda Somaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa wargeyska The East African ee dalka Kenya u sheegay in wada hadalada Turkiga ee 31 May looga wada hadli doono arrimaha farsamo sida:

1-isku socodka dadka.
2-Ganacsiga.
3-Baasaaboorada.
4-Cidda meteli doonta shacabka Somaliland ee uga mid noqon doonta BFS ee dhawaan la dhisi doono.
5-Midnimada.

Wargeysku waxa uu qoray in DFS ay Somaliland xili hore ku wargalisay ajandaha shirka, hayeeshee ay aqbashay inay la fadhiistaan DFS.

DFS ayaa diiday in shirka lagu soo hadal qaado in Somaliland ay ka go’day Somalia iyo wixii la halmaala, balse loo baahan yahay inaan laga gudbin qodobada horyaal labada dhinac.

Dhanka kale, Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in rajo aad u weyn ay ka qabto in si ganbasho la’aan ah ay DFS iyo Somaliland uga wada hadli doonaan arrimaha la xiriira midnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News