28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xasan oo sheegay qorshe cusub oo Hiiraan iyo Sh/Dhexe laga…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan dhidiba u aasida maamulka cusub ee dhismihiisa uu ka socdo magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inay kusoo laalaabatay su’aasha ah in maamulka cusub ee loo dhisi doono Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu ka qeybqaadan doono doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia dabayaaqada sanadkaani aan ku jirno, waxa uuna Xassan Sheekh cadeeyay in ujeedka loo dhisaayo maamulkaasi uu yahay in laga qeybgaliyo doorashada si Xildhibaanada uu maamulkaasi ku yeelan doono Baarlamaanka cusub ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee imaan doona.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in ahmiyad weyn ay DFS u leedahay in maamulka cusub ee loo dhisi doono Jowhar iyo Sh/Dhexe uu ka qeybqaato doorashada waxa uuna qiray in wakhti badan uu isku dayaayay in arrintaani uu qariyo inta laga gaarayo guusha dhismaha maamulka balse ay su’aashu ku badatay.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Siyaasadda dowladda ay tahay in la dhiso maamul dowladeedyo ay ka muuqdaan qeybaha bulshadada.

Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray Xassan Sheekh in ay Socdaan wadatashiyo la xiriira dhismaha Hiiran iyo Sh/Dhexe .kaas oo dowladdu ay gacan ku siineyso ,fursadaha lagu xallinaayo dadka wax tabanaya.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa qiray in dowladdu ay isku day day in ay wax ka qabato dagaaladii ka dhacay magaalada Beledweyne halkaasina uu tilmaamay in uu u diray madaxda dowladda, Nabadoono,Ganacsato iyo Waxgarad kale oo wax ka qaban kara heshiisiinta labadaasi beelood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News