28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: Maxaa ka taqaanaa labada cadow ee Muqdisho ay leedahay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kasii bogsaneyso dhibtii ay soo martay ayaa waxaa haddana jira Cadow noocyo kala duwan leh oo ku tartamaaya hoos u dhiga Horumarka iyo amaanka magaalada Muqdisho.

Xasilooni darida magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamaaya Maamulo kala ceyn ah oo haddana ku abtirsada Somalia iyo Dowlado daris la ah Somalia, kuwaasi oo iska kaashanaaya cuuryaaminta Somalia, Gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Cadowga magaalada Muqdisho ayaa waxaa koow ka ah ethiopia waxaana soo labeeya Puntland oo ay adeegsaneyso Dowlada ethiopia oo dano Siyaasadeed ka leh Somalia.

Dowlada ethiopia oo xasaasi ka qabta hanaqaadka Somalia, ayaa ku dadaaleysa in Magaalada Muqdisho ay dib ugu celiso halkii ay taagneyd sanadii 2000, waxa ayna sidoo kale fashilinta Siyaasadaha ay u adeegsataa Puntland oo iyadu u taagan ka hor imaanshiyaha qorsho waliba oo ay damacsan tahay DFS.

Shirka wadatashiga Qaran ee looga doodaaya maqaamka Muqdisho, ayaa waxaa iminka hortaagan Puntland oo daliilsaneysa qodobo aan waxba ka jirin, waxaana arrintaani garab xoogan ku siinaaya Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland oo isagu aad u taga magaalada Addis ababa, ayaa waxa uu halkaasi ku shubaa Jawaabaha howlaha ay ethiopia u dirsata, waxa uuna sidoo kale kala soo laabtaa awaamiro fulinteeda laga sugaayo.

Kulankii ugu danbeeyay ee C/wali Gaas uu ku aaday magaalada Addis ayaa waxaa la faray in marnaba uusan qaadan in maqaam gaar ah lasiiyo Muqdisho, isaga oo lagu wargaliyay haddii ay dhacdo inuu aqbalo uu aqbalaadaasi ku bedesho ballanqaadyo.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada ethiopia iyo Puntland ayaa u muuqanaaya inay sii laba jibaarayaan dadaaladooda ku aadan dibin daabada mustaqbalka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News