28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: Xasan Guuleed & Shariifka oo u heshiiyey Gaas & Madoobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu danbeeyay xarunta Madaxtooyada Somalia ka socday kulamo gooni gooni ah kaasi oo u dhexeeyay Madaxda DFS iyo kuw maamul Goboleedyada.

Kulamadaani ayaa aad kaga duwanaa kuwii hore, waxaana lasoo sheegayaa in ismari’waaga taagan ay ku kala jabeen Dowlada iyo Maamulada qaarkood.

Kulan abaaro 8:15 habeenimo ee xalay ka dhacay Villa Somalia waxa uu u dhexeeyay Xassan Sheekh, Shariif Xassan iyo Guuleed.

Seddexda mas’uul oo dhinac ah ayaa u heshiiyay Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas waxa ayna ku heshiiyeen 2 arrin oo kala ah:-

1-In haddii kulanka maanta ay natiijo kasoo bixi weyso shirka socda looga kaco Jubbaland iyo Puntland.

2-Shuruuda kusoo laabashada madasha carada looga baxaayo ay noqoto in natiijo la’aan lasoo xiro shirka Heshiisyadii horay loo gaarayna kuwa khuseeya Puntland iyo Jubbaland dib loola laabto bacdamaa ay mar waliba yihiin kuwo u taagan in danahooda la meelmariyo.

Xassan Sheekh ayaa isna soo jeediyay in shirka maanta Talaado ah loo wareejiyo Xarunta Xalane si go’aan kama danbeys ah loo gaaro.

Shirka madasha ayaa iminka maraaya meel xasaasi ah waxaana la fili karaa in shirkaasi uu xirmo natiijo la’aan.

Geesta kale, Xassan Sheekh, Shariif Xassan, Guuleed ayaa dhinac ah, halka Jubbaland iyo Puntland ay ka yihiin hal dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News