Muqdisho (caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya iney jirto xiisad u dhaxeyso ciidamada maamulada Somaliland iyo Khaatumo ee ku wada sugan gobolkaaasi, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo ay dhacaan.
Xiisada u dhaxeyso labada ciidan ayaa maalmahaan ka taagnaa deegaano hoos taga magaalada Laascaano ee gobolka Sool, xiisadaasi oo ka dambeysay kadib markii madaxweyne Cali Khaliif uu ku dhawaaqay iney qabsan doonaan magaalada Laascaano.
Saraakiil ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa sheegay iney jirto xiisada oo u dhaxeyso ciidamada Somaliland iyo ciidamada Khaatumo, iyagoo sheegay in wadahadal lagu xalin waayay xiisada ka taagan deegaanada Sool.
Saraakiisha qaar ayaa ku hanjabay iney dagaal kala hortagayaan qof kastaa oo kasoo horjeesata maamulkooda.
Somaliland ayaa ku sugan magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana Khaatumo oo dhexda kaga jirta labo maamul ay sheegataa iney maamulka Laascaano iyaga leeyihiin.
Lasoco waxii kusoo kordhaa xiisada Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

