Muqdisho (Caasimada Online) – Shir habeenimadii xalay ka dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay mowqif la’aanta DFS iyo Madaxda Maamulada dalka ee iminka uu shirka uga socdo magaalada Muqdisho.
Shirka oo aan xogo rasmi ah laga helin ayaa waxa ay ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in shirka laga soo saaray go’aan kaasi oo la sheegay in DFS lagala laaban doono Federaalka haddii aan lagu heshiin shirka iminka ka socda magalada Muqdisho.
Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone D’urso ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin tafaraaruqa madaxda Soomaalida waxa uuna soo jeediyay in Somalia lagala laabto Federaalka isaga oo sabab uga dhigay inaanu u qalmin maadaama Dowlada iyo maamuladu yihiin kuwa aan isku mowqif aheyn islamarkaana kala wata dano gaar ah oo aan Beesha caalamku u arag maslaxada Somalia.
Michele Cervone D’urso waxa uu sheegay inaanu garaneynin danaha laga leeyahay khilaafyada DFS iyo Maamulada dalka, waxa uuna tilmaamay in muranada noocaani ah uu yahay mid lagu dib dhigaayo doorashada Somalia hayeeshee aysan aqbali doonin.
Michele Cervone D’urso waxa uu sidoo kale, sheegay in maanta kama danbeys War-murtiyeed laga filaayo shirka, haddii ay dhacdo inaan la heshiin maalinta Seddexaad oo maanta ku beega ay gaari doonaan go’aan adag.
Dhanka kale, Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in xalka uu noqon karo keliya in Federaalka ay kala laabtaan Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

