27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: R/W Cumar Cabdirashiid oo la saftay Gaas iyo Axmed Madobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa ku kala aragti duwanaa maqaamka gobolka Banaadir iyo xubnaha Banaadir ku yeelanayso  aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo C/welli Gaas ayaa u muuqdo kuwo aragdti ahaan ka sinnaa diidmada in gobolka Banaadir xubno uu ku yeesho aqalka sare ee baarlamaanka iyaga oo diidmadooda u cuksanayay in hishiiskii dhacay 12April aan lagu soo darin qodobkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kalsooni ku qabay C/kariin Guuleed iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa dhankooda doonayay in aqalka sare ee baarlamaanka lagu daraa xubno matalaya gobolka Banaadir, iyagoo taageero ka heysta Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u muuqday mid la safan madaxweyne Axmed Madoobe iyo C/welli Gaas waxaana soo baxaya inuusan muujineynin sida uu u taageersan yahay aragtida madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, inkastoo oo uusan muujin taageeradiisa.

Shirka madasha ayaa qodobka ugu adkaa ee hareeyay wuxuu nahaa in gobolka Banaadir 6 xubnood oo ka kala imaanaya beelaha Soomaaliyeed laga siiyaa aqalka sare ee baarlamaanka, waana midda keentay in madaxda ku kala qeybsamaan aragtidaasi.

Xasan sheikh ayaa awood ku ansixiyay hishiiskii madasha oo baarlamaanka Soomaaliya muddo horyaalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News