28.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

“Waxaan cadeynayaa in Gaas iyo beesha caalamka ay ka degi la’ dahay Soomaaliya” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay Fashilada is xigxiga ee Dowlada Somalia ay cagta kula jirto.

Feysal Cali waxa uu sheegay in Horumarka Somalia ay hortaagan tahay Beesha Caalamka waxa uuna tilmaamay in Somalia aysan horumar gaari doonin inta ay ku dhex noolyihiin wakiilada Beesha Caalamka.

Feysal waxa uu sheegay in Somalia ay xili hore gaari laheyd horumar balse ay cuuryaaminayaan Beesha Caalamka.

Feysal waxa uu soo hadal qaaday Shirka Madasha wada-tashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay in Shirkaasi aysan waxba ka soo baxeynin waxa uuna hal ku dhig ka dhigtay oraahda ah ”Shimbirayahow heesa” sida uu hadalka u yiri.

Feysal Cali ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha Somalia ay ka degi la’dahay Beesha Caalamka iyo sidoo kale Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo aysan ka go’neyn in Soomaaliya ay midowdo Beeshaasi oo uu ula jeedo Beesha Daarood.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa“Somalia waxaa dhabjinaaya oo ay ka degi la’ dahay Beesha Caalamka oo mar waliba khas iyo fowdo ka wada Somalia dhexdeeda, Soomaaliland waxa ka socda Muqdisho ma quseeyaan oo wey ka madax banaantahay”

Dhanka kale, Somaliland waxa ay sidoo kale sheegtay in Somalia ay ka degi la’ dahay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo uu sheegay inuu kasoo horjeedo Horumarka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News