Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya soo gaaray Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Mas’uuliyiin kale oo safarka ku wehlineysay.
Sheekh Shariif ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya iyo Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi uu kula kulmi doono Madaxda ugu sareysa Kenya.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu magaalada Nairobi u gaaray howlo la xiriira musharaxnimadiisa, waxa uuna Kenya kala hadli doonaa arrimahaasi.
Booqashadiisa magaalada Nairobi ka dib ayaa waxaa Sheekh Shariif lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Ololaha Doorashada Somalia ayaa si aad ah u soo dhaw, waxaana baratan adag loo geli doona qabashada Hogaanka dalka.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale lasoo warinayaa in goortii uu ka degaayay magaalada Nairobi uu watay ilaa Seddex Boorso oo aad u waaweyn kuwaasi oo la filaayo in looga samata-bixi doono ololaha doorashada.






