28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Daawo fadeexadii wasiir Hadliye iyo Gaafow ka raacday Norway

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Oslo (Caasimada Online) – Xildhibaan Baashe oo kamid ah golaha degaanka magaalada Oslo, ayaa kashifay in Dowlada Somalia ay waxbadan kala socto qorshaha Dowladda Norwey ay dib ugu soo celineyso ilaa 500 oo Soomaali ah.

Xildhibaan Baashe, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada ay kala dalaalaan Soomaalida loogu goodiyay in dib loogu soo celin doono Somalia.

Xildhibaan Baashe, ayaa sheegay in howshaasi ay waxbadan kala socdaan Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo Gen. Gaafow.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Mas’uuliyiintaasi oo booqasho ku joogay magaalada Oslo ay arrintaani Heshiis qarsoodi ah kala galeen dowlada Norwey.

Heshiiska ay mas’uuliyiintaasi la galeen Dowlada Norwey ayaa waxaa hogaaminaayay Wasiirka arrimaha dibeda Somalia C/salaan Hadliye Cumar iyo Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia Gen. C/llaahi Gaafow.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in goortii uu la kulmay Madaxda ka soctay DFS ay u sheegen in socdaalkooda uusan la xiriirin arrinta dib usoo celinta qaxootiga balse markii danbe ay sheekadu is bedeshay.

Waxa uu sheegay in goortii uu aaminay hadalka Hadliye iyo Gaafow ee ahaa inaanu u socon arrinta Qaxootiga la celinaayo uu Saxaafadda ka hadlay Wasiirka arrimaha dibada ee wadanka Norwey isaga oo TV-ga NRK ka sheegay in arrinta qaxootiga 500-ta boqol Soomaalida ee dib loo celinaayo ay Heshiis kala galeen Dowlada Somalia, Heshiiskaasi oo socday muddo farabadan sida lagu soo celin lahaa tiradaasi qaxootiga ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

- Advertisement -

Read more

Local News