Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin howlaha horyaala xildhibaanada baarlamaanka ee waqtigooda dhamaanayo.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sideed qodob oo ay u kala qeybiyeen afar qodob oo ay qabanayaan inta shaqada kaga dhiman iyo afar qodob oo ay sheegeen iney dib u dhigi doonaan haddii waqtiga uu u saamixi waayo.
Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in qodobo ay kamid yihiin dhismaha hayad Dastuuri ah, gudiga adeega garsoorka iyo ansixinta nidaamka Axsaabta ay ka shaqeyn doonaan muddada kooban ee u harsan xildhibaanada baarlamaanka.
Qodobada kale ee laga baqayo inuu waqtiga ka dhamaado ayaa la sheegay iney ka mid yihiin ansixinta qorshayaal ay kamid yihiin argagixisada iyo qodobo kale sida uu sheegay afhayeen Jawaari.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaanan ansixin hishiiskii bishii April ay gaareen xubnaha maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya, laakiin markii dambe ayaa awood waxaa ku ansixiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

