Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad siday Meydka Feeryahanka Maxamed Cali Kalaay ayaa ka degtay magaalada Louisville ee dalka Mareykanka.
Meydka ayaa waxaa garoonka ugu diyaarsanaa gaadiidka Dowlada oo halkaasi ka galbinaayay.
Meydka ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha ee fooda nagu soo heyso lagu aaso magaaladaasi waxaana aaska ku ballansan Madaxda Dowlada Mareykanka iyo garabyada mucaaradka.
Aas aad u heer sareeya ay kasoo qeyb galayaan kumanaan qof ayaa lagu qabanaa goob fagaare ah oo kutaala magaalada Louisville.
Qaabka uu u dhici doono Aaska Marxuumka ayaa ah qaab ku saleysan diinta Islaamka.





