26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Kenya oo dhimeysa baaritaanada diyaaradaha ka taga Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ogolaatay iney yareyso baaritaanka faraha badan ee lagu sameeyo diyaarada dadka rakaabka iyo masuuliyiinta ka qaada magaalada Muqdisho ee ku dagata garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer.

Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya labada dowladood ayaa kala saxiixday hishiis dhigaya in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi iyo Muqdisho.

Arintaasi ayaa meesha ka saareyso in diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay sii maraan garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer si halkaasi baaritaan loogu sameeyo, sida hishiiska uu dhigayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca amaanka, ganacsiga iyo xiriirka labada dowladood kala hadlay madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta.

Arintaan ayaa ka dhalatay buuqii dowlada Kenya ay ka furtay xeritaanka xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana labada madaxweyne ay ka wad ahadleen arimaha la xiriira qaxootiga.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News