Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha xilka looga xayuubinaayo Mas’uuliyiin xilal sare ka haya maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.
Qorshaha xil ka qaadista mas’uuliyiintaasi ayaa kasoo dhamaaday dhanka Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana xilkaasi weyn doona 14 xubnood oo xilal muhiim ah ka haya maamulka.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in warqada Digreetada xilka looga qaadayo mas’uuliyiintaasa uu saxiixay, inkastoo aan wali lagu dhawaaqin faafinteeda.
Xil ka qaadista mas’uuliyiintaani ayaa la sheegay in ay daba socoto shaqaaqo dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiinta xilka laga qaadayo oo dhan 14 xubnood ayaa waxaa noo suuragashay inaan helno ilaa Sideed kamid ah waxa ayna kala yihiin:-
1-Cabdi Qaadir Cusmaan oo ah Madaxii Amniga.
2-Cabdi Xaashi oo mas’uul ka ah waaxda dhul Bixinta.
3-Macalin Faarax oo maamulka u aqaabilsanaa Arrimaha Bulshada.
4-Axmed Walad Cabdalla oo ah Guddoomiyihii degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
5-Xasan Sabagle oo ah madaxa Warfaafinta maamulkaasi Gobollada Dhexe.
6-Daahir Macalin oo maamulka u qaabilsanaa Biya Korontada.
7-Bishaaro oo maamulka u qaabilsan qeybaha Maaliyadda.
8-Mas’uul la sheegay inuu ku-xigeen u ahaa nin lagu magacaabo Burhaan Axmed.
Geesta kale, Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa looga fadhiyaa in wareegtadaasi uu soo saaro gudaha asbuucaani hadda dhalanaaya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com