Sawirro: Isbedelka dhaqaale iyo midka guud ee dekada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilihii ugu danbeeyay kor u kac laga dareemaayay Dakhliga ka soo xarooda Dekadda magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Dekadaani ayaa bilihii ugu danbeeyay waxaa kusoo xiranaayay maraakiib dhowr ah kuwaasi oo keena badeeco kala duwan, isla markaana halkaasi ka qaada alaabo kale oo loo iibgeyo wadamo dhowr ah waxaana kamid ah dhuxusha.

Maamulka Jubbaand ayaa xiligaani dhakhaalaha ugu badan ka hela Dekadda Kismaayo, inkastoo sida loogu tallo galay aysan dhakhaalahaasi u mareyn.

Maamulka Dekadda ayaa sheegay in dakhliga Dekadda uu yahay mid marba marka xigta kasii kordhaaya halkii uu taagnaa sanadkii hore waxa ayna rajo ka muujiyeen in dakhliga ceynkaasi ah uu mustaqbalka dhaw ku filnaan doono maamulka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Dekada 1

Dekada 2

Dekada 3

Dekada 4

Dekada 5

Dekada 6

Dekada 7

Dekada 8

Dekada 9

Dekada 10

Dekada 11

dekada 12

Dekada 13