Xog cusub: Maxaad kala socotaa heshiiska dhabta ah ee ay wada gaareen Xasan & Uhuru Kenyatta?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyay maalintii shalay ahayd in uu heshiis laba geesood ah dhex maray Madaxweyne Uhuru Kenyataa iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiska oo lagu sheegay war murtiyeedka ka soo baxay heshiiska.

1 – Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey oo ku aadanaa in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid khiyaari ah.

2 – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi u saaray arrinta qaxootiga, iyadoo guddiyadan ay ka shaqeynayaan qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa iyo dib u celinta qaxootiga, waxaana si gaar ah uga shaqeynaya Wasaaradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya

3 – Waxay labada Madaxweyne isla garteen in la fududeeyo isu socodka shacabka labada dal, iyadoo diyaaradaha ka imaanayay Soomaaliya ee lagu baari jiray Wajer in dib loo eego, isla markaana duulimaadyo toos ah ay bilaaban doonaan oo aan la soo mari doonin Wajer, waxaana arrintaas loo saaray guddiyo ka shaqeeya.

Waxaanan lagu sheegin war murtiyeedka qodobkii ugu muhiimsanaa oo aay ku heshiiyeed labada madaxweyne kaa soo ahaa “In dib loo dhigo dacwada badda oo lagu ballansan yahay in aay dhacdo bisha September 17 ee sanadkan 2016. Dibna loo dhigo ilaa bisha September ee sanadka danbe 2017.”

In Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu taageero muddo kororsi lagu wado in aay ku dhawaaqaan guddiga doorashada oo lagu wado in la shaaciyo dhammaadka bisha June ee sanadka. Muddo kororsiga ayaa noqon doona in doorashada Soomaaliya aay dhacdo Bisha Maarso ee sanadka 2017.

Haddaba, waxaa la gudboon Madaxweyanaha JFS in uu shacabkiisa u sheego runta waxa aay tahay iyo heshiiska dhabta ah aay wada gaareen isaga iyo dhiggiisa Kenya.

4 3 2

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com