Xog-Warran: Musharaxiinta ku qabso ku qadi meyside (Q.1-aad)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidii aan hore idiinkugu ballan qaadnay, waxaan qormadaan ku lafa guri doonaa mid-mid dhammaan musharaxiinta ku dhawaaqay in aay u taagan yihiin in aay u tartamaan kursiga madaxweynaha JFS. Waxaanan idiin soo gudbin doonaa taariikh nololeedkooda iyo qaababkii aay uga soo muuqdeen siyaasadda Soomaaliya, aqoontooda inta aay gaarsiisan tahay, waxaanan wareysan doonaa asxaabtooda.

Waxaan usbuucan idiin soo gudbindoonaa taariikh nololeedka laba musharax oo kala ah.

mush

 

 

 

 

 

 

1- Maxamed Cabdirisaaq

2- Cabdicasiis Xasan Camalow (Giyaajo)

1.  Waa kuma musharaxa Maxamed Cabdirasaq? Maxamed waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxaa uuna wax ku soo bartay dalka Hindiya. Markii ugu horreysay ee ka soo dhex muuqday masraxa siyaasadeed waxaa aay ahayd sanadkii 2004 isagoo markaa noqday agaasimihii madaxtooyada ee Madxweyne Cabdullaahi Yusuf. Maxamed ayaa inta badan dadka reer Muqdisho waxaa aay ku xusuustaan in uu ka mid ahaa raggii bixin jiray amarada lagu xirxiray wariyeyaal badan, kuwaasoo lagu eedeeyay in aay xiriir la lahaayeen kooxihii muqaawimada, waxaa uuna shaqsi si aad ah aay uga cabsadaan dhammaan dadka reer Muqdisho.

Kaddib markii uu is casilay Cabdullaahi Yusuf, 2010 Maxamed waxaa uu noqday la taliyihii siyaasadda ee wakiilka QM (UNPOS), waxaana uu ahaa shaqsi aad ugu ololeeya arrimaha Puntland.

Sanadkii 2011 ayaa waxaa uu madax ka noqday NGO lagu magacaabo NDI, waxaana uu ahaa maskaxdii ka danbeeysay shirarkii caanka ahaa ee Garoowe 1 iyo Garoowe 2. Maxamed ayaa isaga oo isticmaalaya NDI ku guuleystay in dastuurka Soomaaliya lagu daro wax alla iyo wixii aay Puntland ku hamineysay.

Maxamed Cabdirasaq ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax dhammaadkii bishii May ee sanadkan. Maxamed ayaa dhawaantan Guursaday haweeney reer Muqdisho ah, si uu taageero uga helo reer Muqdisho.

2. Waa Kuma Cabdicasiis Xasan Camalow (Giyaajo)

Cabdicasiis waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxaa uuna ka soo jeeda reer caan ku ah ganacsiga. Ninkan dhallinyarada ah ayaa markiisi ugu horreysay laga dhex arkay masraxa siyaasadda, mar aay guddiga cunaqabateyna Somaliya iyo Eratereeya ee loo yaqaan UNSEMG aay ku eedeeyeen in uu ahaa maskaxdii ka danbeysay koox garyaqaano oo lagu magacaabo Shulman Rogers, kooxdan ayaa waxaa aay sanadkii 2013 bilaabeen dacwado aay ku soo celinayaan hantidii qaranka ee ku xayirneynd dalka Mareykanka ee dalal kale oo Yurub ah.

Cabdicasiis Camalow iyo Muuse Ganjab ayey warbixinta ku eedeysay in aay qaateen macaash dhan 6% hantidii qaranka ee dib loogu soo celiyay dalka Soomaaliya taaso aay sheegeen in ay ka badneyd $300 Malyuun oo doollar. Halkan Ka Akhriso.

Danadkii 2014 ayuu Cabdicasiis dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya halkaasoo uu ka dhistay Hotel weyn oo aad u qurux badan.

Cabdicasiis ayaa ku dhawaaqay horraanta bishan Juun in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweyne.

Qormada xigta waxaa aan ku soo qaadan doonaa Taariikh nololeedkii Dr. Cabdinasir Maxamed iyo Cabdiraxman Cabdishakuur.

FG. Akhristoow, ogsoonow. waxaa kaliya oo aan soo qaadaneynaa musharaxiinta sheegay in aay musharaxiin yihiin. Dad badan baa is weydiinaya hebel kuma jiro iyo hebal ayaa ka maqan. Shaqsigii ku dhawaaqo in uu yahay musharax shacabkana u arkaan in uu yahay mid aan u qalmin jagada ayaan idiin soo gudbin doonaa taariikh nololeedkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com