Muqdisho (Caasimada online) – Dowlada Kenya aya alagu soo waramayaa iney gabi ahaanba joojisay dhaqdhaqaaqii xuduuda Soomaaliya ay kala wadaagto dhanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo badan la geeyay deegaanada Mandheere ee dalka Kenya ayna xireen dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo waxbarasho ee degmooyinka Mandheera iyo Beledxaawo oo gobolka Gedo ka tirsan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya iney arkeen ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka, Baldoosaro , cagaf-cagafyo iyo qalab kale oo dhisme, iyadoo aan la ogeyn ujeedada laga leeyahay xirnaanshaha xuduuda Beledxaawo iyo Mandheera.
Waxaa soo baxaya shaki badan oo dadka ay ka muujinayaan in kenya ay dooneyso iney dib usoo cusbooneysiiyo dhismaha Darbigii ay dooneysay iney ka dhisto dhanka xuduuda.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maamulka Mandheera ay u yeereen gudoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Kaanti, iyadoo la sheegayo in laga dalbaday inuu ka shaqeeyo dhismaha darbiga Kenya ay dooneyso.
Laakiin xogo la helayo ayaa sheegaya in Kaanti uu arintaasi kasoo horjeestay, isagoo maamulka waqooyi bari u sheegay in go’aanka ay leedahay dowlada Dhexe ee dalka ka dhisan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]