28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sidee xubnaha aqalka sare ee ku aaday Puntland loo qeybinayaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa xubno badan ka heshay aqalka sare ee baarlamaanka marka loo eego maamul goboleedyada kale ee ka dhisan dalka, walow ay isku xubno yihiin maamulka Somaliland.

Shacabka Puntland ayaa dhagta kor utaagaya iyaga ka war sugaya sida xubnaha aqalka sare loogu qeybin doono beelaha kala duwan ee daga deegaanada Puntland, waxaana laga war sugayaa sida madaxweynaha uu u qeybiyo xubnaha Puntland ku aaday.

Wararka aan ka heleyno deegaanada Puntland ayaa sheegaya in isimada Puntland ay fadhi ka yeelan doonaan sidii xubnahaasi loo qeybin lahaa, waxaase saxiixa iyo talada ugu dambeysa leh madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Magaalada Garowe ayaa waxaa buux dhaafiyay siyaasiyiin badan  oo doonaya ama xusul duub ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Nabadoon C/raxmaan Jabriil oo kamid ah nabadoonada Puntland ayaa soo jeediyay in si cadaalad ah loo qeybiyo xubnaha  aqalka sare ee Puntland ku aaday, wuxuuna sheegay in loo baahan iney ka muuqdaan beelaha dhamaan ee Puntland daga.

Wuxuu ka digay in dad gaar ah la siiyaa xilalka xubnaha baarlamaanka Puntland u matalaya aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News