Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray ciidamo ka socda dowlada Uganda kuwaasi oo ka qeyb noqon doona ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya.
Ciidamadaani oo u badan Kumaan-doos ayaa waxa ay bedelayaan ciidamo kale oo kasoo jeeda dalka Uganda kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalada ka socda Somalia.
Ciidamadaani cusub ayaa waxaa dhawaan tababar usoo xiray Saraakiil Mareykan ah, waxaana ciidamada ku jira kuwo u tababaran la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
Dowlada Uganda ayaa waxaa dalka Somalia ka jooga ciidamada ugu badan kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.