Dagaal culus oo maanta ka dhex qarxay Somaliland & Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanada ku yaala gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhex bilowday ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay deegaanadaasi.

Wararka naga soo gaaraya Sanaag ayaa sheegaya in dagaalka uu ka bilowday deegaanka BOOD oo ku yaala inta u dhaxeysa deegaanada magaalooyinka Xiingalool iyo Dhahar, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac ay wadeen  ayaa saaka ilaa xalay ka taagnaa deegaanada ku yaala gobolka Sanaag, waxaana iminka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya labada dhinac.

Ciidamo badan oo kala taabacsan labada maamul ayaa ku sugan deegaanada dagaalka ay ka dhacayaan, waxaana laga baqayaa in xiisada ay kusii faaftaa deegaano kale.

La soco waxii kusoo kordhaa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com