Hay’adihii Turkiga ee DF burisay oo u guuraya gobol dalka ka mida

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan kasoo xiganay xubno ka tirsan dowlada Somalia, ayaa sheegay in go’aanka dalka looga buriyay Shaqaalaha iyo Hay’adda Nile Academy ay inta badan agabkooda kala bixi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Shaqaalahaani iyo Hay’adooda Nile Academy, ay wada hadal degdeg ah la fureen maamulka Somaliland si ay halkaasi ugu wareejiyaan xarumihii ay ku lahaayen magaalada Muqdisho.

Wakiilo ka tirsan Nile Academy, ayaa inta aysan dhamaan maalmaha ay DFS u qabatay socdaal ku gaari doona magaalada Hargeysa kuwaasi oo wada hadal la furi doona maamulka Somaliland oo xiligaani daneynaaya in xarumo waxbarasho iyo kuwo ganacsi oo heer caalami ah lag furto deegaanada maamulka.

Maamulka Nile Academy, ayaa xarun waxbarasho oo lamid ah kuwa iminka ku yaalla magaalada Muqdisho ku leh Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaa fursad u aragta in dowlada Somalia ay buriso Nile Academy, waxa uuna qorshuhu yahay in Xarumaha ay Nile Academy ka rari doonto magaalada Muqdisho lagu biirin doono kuwa iminka ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Inkastoo ay Somaliland soo saartay dhambaal ay shacabka Turkiga kula wadaagayso dareenka ay muujiyeen, haddana dad badan ayaa go’aanka ay DFS ku burisay Nile Academy u arka fursad diblomaasiyadeed oo ay Somaliland awoodeeda ku tusi karto Turkiga.

Lama oga in Maamulka Somaliland ay soo dhaweyn doonto Wafdiga ka socda Nile Academy ee la filaayo inay gaaran magaalada Hargeysa si ay ugala hadlaan in magaaladaasi ay usoo rari doonaan xarumahooda waxbarasho ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com