Gaas oo shir deg deg ugu yeeray saraakiisha ciidamada Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in shir deg deg ah uu haatan magaaladaasi kaga socdo madaxweyne Gaas iyo saraakiisha ciidamada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, waxaana shirka uu ka dambeeyay kadib dagaalkii saaka ka cusboonaaday deegaan ku yaala gobolka Sanaag.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladaha dhanka amaanka ee kusoo kordhay deegaanada u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan soo saartay digniin dhanka amaanka ah iyagoo Somaliland ku eedeeyay xiisad dagaal oo ka taagan Sanaag, waxaana wasiirka amniga uu sheegay in masuuliyada waxii dhacaa Somaliland ay qaadeyso.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya Sanaag ayaanan wali ka hadlin xaalada dagaalka iyo waxa kasoo kordhay.

La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com