Xog: Xasan iyo Shariif Xasan oo wakhti dheer kadib la heshiisiiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Heshiis laga dhex abuuray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Somalia, Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Heshiisiinta Madaxweynaha dalka iyo Shariif Xassan ayaa waxaa ka qeybqaatay dowlada ethiopia iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada kuwaasi oo aad ugu dhow labada mas’uul.

Kulanka labada mas’uul lagu heshiisiinaayay ayaa qaatay muddo laba maalin kaasi oo bilowday 15,July,2016 waxa uuna soo idlaaday 16,July,2016 saacado un ka hor inta uusan Madaxweyne Xassan Sheekh u safrin magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda oo ka furmay shir madaxeedka 27aad ee ururka midowga Afrika.

Kulanka leysugu soo dhaweynaayay labada mas’uul ayaa ka dhacay Madaxtooyada Somalia.

Labada mas’uul ayaa ku heshiiyay wada shaqeyn iyo in mar kale uusan soo laaban muran Siyaasadeedka dhaliyay khilaafka.

Madaxweyne Xassan ayaa ku qasban inuu la heshiiyo Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Somalia, Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Dhanka kale, Shariif Xassan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha dalka uu kala shaqeeyo Doorashooyinka dalka, Ololaha iyo Diyaarinta Xildhibaanada u codeyn lahaa Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com