Wararkii ugu dambeeyay Turkey & abaabulihii afgambiga oo hadlay

Ankara (Caasimada Online)-Warbaahinta dalka Turkiga ayaa maanta hadal heysa fikradii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee habeenkii jimcaha ka dhacay dalka Turkiga, waxaana aad loo hadal hayaa shaqsigii ka dambeeyay isku daygaasi.

Akın Öztürk, oo ah taliyihii ciidamada cirka ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu yahay fikrada ka dambeysay in afgambi laga sameeyo dalka Turkiga, waxaana uu sheegay inuu doonayay inuu helaa xilka ugu sareeyo ee dalkaasi.

Taliyihii hore ee ciidamada cirka dalka Turkiga ayaa sheegay in isaga uu lahaa abaabulka isku dayga afgabiga, balse uu noqday mid dhicisoobay.

Ganacsato lala xiriiriyay iney falkaasi ku lug lahaayeen iyo saraakiil badan ayaa loo xir xiray qorshihii jimcaha dhicisoobay, waxaana Akın Öztürk oo howlgab ah la sheegay in lagu xiray xabsi aanan la shaacin halka uu ku yaalo.

Dhinaca kale xaalada magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa degen, waxaana socda xaqiijin amaan oo ay wadaan ciidamada sida gaarka u tababaran ee booliska dalkaasi.

Hoos ka daawo sawirada

Akın-Öztürk- Akın-Öztürk2 Akın-Öztürk6 Akın-Öztürk7 Akın-Öztürk8 Akın-Öztürk91 Akın-Öztürk92 Akın-Öztürk93 Akın-Öztürk94 Akın-Öztürk95