Maxaa kasoo kordhay dagaalka u dhaxeeya Somaliland & Puntland

Dhahar (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo ka dhacaya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada Puntland.

Isgaarsiinta deegaanada dagaalada ay ka dhacayaan ayaa aad u adag waxaana la sheegayaa iney jaran tahay isgaarsiinta magaalooyinka qaar ee ku yaala gobolka Sanaag.

Ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa gurmad ahaan u tagaya deegaanada dagaalada ay ka dhacayaan, waxaan wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo xubno kale ay tageen gobolka Sanaag, sida wararka aan ku heleyno.

Warbaahinta Somaliland ayaa goor sii horeysay shaaciyay in nolosha lagu qabtay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ku sugnaa deegaanada dagaalada ka dhacayaan, walow xubno Puntland ka mid ah been abuur ay ku tilmaameen.

Dagaalka xoogiisa ayaa kusii faafaya deegaano kale oo Sanaag ka tirsan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Sanaag
Caasimada@live.com