XOG: Xasan oo xil ka qaadis la damacsan mid ka mid ah…

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud uu wado qorsho uu xilka kaga xayuubin doono Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya DFS.

Qorshaha uu Madaxweyne Xassan Xilka uga xayuubinaayo mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegay inay tahay mid uu ku raali galinaayo qabaa’ilo dhowr ah oo iyagu ku kacsan kana soo horjeeda Siyaasada cusub ee uu lasoo baxay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Mas’uuliyiinta uu Xassan Sheekh u qorsheynaayo inuu xilka ka xayuubiyo ayaa la sheegayaa inuu kamid yahay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Xassan Sheekh ayaa la sheegay in Xeer ilaaliyaha ay isku dhacsanaayen mudooyinkii ugu danbeeyay, kadib markii xeer ilaaliyaha uu ka hor imaaday arrimo dhowr ah uu watay Xassan Sheekh.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha ayaa la sheegay inuu soo saaray kiisas dhowr ah oo uu ku lug lahaa Madaxweyne Xassan Sheekh, taasi oo sababta ugu weyn lagu sheegay in Madaxweynaha uu damac ka galo xilka uu haya Axmed Daahir.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa xilalka ka qaadi doona dhowr mas’uuliyiin ka hor inta uusan xilka ka degin, inkastoo aan la garan karin waxa iska bedeli doona go’aankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com