Xog: CC Sharmaarke oo caburin siyaasadeed ku billaabay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu bilaabay kulamo uu ku kasbanaayo Odayaasha Muqdisho iyo Siyaasiyiinta sida aadka ah kaga soo horjeeda Siyaasada Xassan Sheekh.

Wararku waxa ay sheegayaan in Sharmaarke uu si hordhac ah u qaabilay tirro Odayaal dhaqmeed kuwaasi oo uu kala hadlay laba arrin oo kala ah Doorashada dalka iyo Amaanka, waxa uuna Odayaasha u xaqiijiyay inuu yahay musharax u taagan doorashada 2016-ka.

Sharmaarke ayaa Odayaasha ka dalbaday in laga garabsiiyo sida uu kaga guuleysan lahaa musharaxiinta kale, waxa uuna u cadeeyay in tartan uu kula jiro Madaxweynaha hadda xilka haya Xassan Sheekh Maxamuud.

Sharmaarke ayaa Odayaasha u ballanqaaday inuu u sameyn doono arrimo dhowr ah oo ay ku farxaan waxa uuna tilmaamay in ujeedkiisa uusan aheyn inaysan taageerin Xassan Sheekh balse uu doonaayo in loo muujiyo taageero si uu kaga guuleeysto Musharaxiin uu kamid yahay Xassan Sheekh.

Odayaasha uu dalbkiisa Siyaasadeed hordhigay ayaa tirro ahaan lagu sheegay 9 Oday kuwaasi oo miisaan ku dhex leh Beelaha Hawiye, waxa uuna sidoo kale u sheegay in tiradda uu intaa kasii badin doono islamarkaana uu u sameyn doono qado sharaf si ay uga wada hadlaan arrimihiisa gaarka ah.

Odayaasha qaar ayaa Sharmaarke u sheegay in Beelaha intooda badan aysan taageero u muujin doonin Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay ku eedeeyen inuu kala jajabshay duubabka Soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa sidoo kale Sharmaarke u ballanqaaday inay siin doonaan kalsooni islamarkaana ay Xildhibaanadooda ka dhaadhicin doonaan inay doortaan.

Kulanka Sharmaarke iyo Odayaasha ayaa noqonaaya kii labaad oo ay kuwada qaatan magaalada Muqdisho, waxa uuna kulankaani cadeynayaa in Sharmaarke uu tartan adag kula jiro Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhanka kale, kulamada Sharmaarke uu la qaadanaayo Odayaasha ayaa imaanaya iyadoo inta badan Odayaasha Beelaha Hawiye ay ku kacsan yihiin Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com