Xog: C/W Gaas oo carqaladeeyay qorshihii lagu xulayay xubnaha..

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa la soo warinayaa in caqabad uu ku yahay xubnaha ay Puntland ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu diiday in shaqsiyaad gaar ah oo matalaaya Beelaha deegaanka ku ah Puntland ay soo xulaan xubnaha maamulka u matalaaya Aqalka Sare.

Madaxweyne Gaas ayaa diiday tirro Odayaal iyo Siyaasiyiin ay beelahaasi usoo xusheen inay ku matalaan Aqalka Sare, hayeeshee Gaas waxa uu laalay xubnahaasi lasoo xulay.

Madaxweyne Gaas waxa uu Odayaasha beelaha ku wargaliyay inaanu soo xulankarin Xubno ay maankooda ka maagan balse ay haboontahay in xulista isaga looga danbeeyo.

Gaas waxa uu ku goodiyay in liiska Xubnaha uu ka saari doono haddii ay dhacdo in xubno loo wado Aqalka Sare lala baalmaro laguna darro liiska.

C/wali Gaas ayaa Xubnaha Puntland u matalaaya Aqalka Sare ka hor inta aan la aqbalin la furaayo wada hadal isaga oo sidoo kale la sheegay inuu hordhigaayo qodobo dhowr ah oo qaar kamid ah ay isaga maslaxad ugu jirto.

Maamulada dalka ayaa xiligaani qaab dhaqaale uruuris u isticmaala xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyo kuwa kamidka noqonaaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka.

Arrintaani ayaa caqabad hor leh u horseeday Odayaasha Beelaha oo aan xiligaani heysan howlihii looga danbeyn jiray doorashooyinkii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com