Dagaalka u dhaxeya Somaliland & Puntland oo waji cusub yeelanaya

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali taagan xiisada dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, kadib markii Isniintii dagaal uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool.

Dagaalkaasi oo waxyeelo kala duwan geystay ayaa waxaa labada maamul ay ka sheegtay iney guulo ka gaareen, waxaana soo baxayay in gaadiid dagaal iyo ciidamo ay kala qabsadeen labada dhinac ee dagaalamaya.

Xiisada ayaa maanta wali ka taagan deegaano kale oo Sanaag iyo Sool katirsan, waxaana laga baqaya in dagaalka uu waji cusub yeesho oo uu ku faafo deegaanada kale ee Sool, Sanaag iyo ceyn oo labada maamul ay isku heystaan.

Sanado badan maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa ciidamooda waxay ku dagaalameen deegaanada lagu murunsan yahay, mana jirto cid u dhaqdhaqaaqday in wadahadal lagu dhameeyo xiisada labada dhinac, marka laga yimaado wadahadalo odayaasha sameeyaan oo dib ka fashilma.

Xiisada waxaa sii hurin kara saraakiisha ugu sareyso difaaca ciidamada Puntland ayaa gaaray deegaanada dagaalada ay ka dhaceen maalin ka hor, iyadoo Somaliland ay ciidamo badan geysay deegaanada Sanaag ka tirsan.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sameysay wadahadal, waxaana laba baqan karaa xili walbaa dagaalo kale oo Sanaag ka dhaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com