29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Siyaasiyiin ka baxay safka Xasan oo ku biiray mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho ayaa xoojiyay cududooda, iyaga oo helay saaxibo cusub oo kusoo biiray safkooda, si ay qayb uga noqdaan dadaallada lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho xalaal ah.

Siyaasiyiin horleh ayaa maanta kasoo muuqday shirka mucaaradka ee ka socda guriga madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana kamid agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Mustaf Dhuxulow oo maalmo kahor xilka laga qaaday iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamaid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha HirShabelle oo isna saaka gaaray hoyga Sheekh Shariif.

Labadan siyaasi ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay Sheekh Shariif, waxaana kulankaasi ku wehlinayay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo isna kamid ah saaxibadii aadka ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, balse ka baxay garabkiisa, kuna biiray mucaaradka.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in ay suuragal tahay in siyaasiyiintan ay si rasmi ah uga qeyb-galaan maalinta xiritaanka madasha, taas oo loo qorsheeyay Jimcaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii xoojinaya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay wadaan, iyagoo maanta kulan wadatashi ah la yeeshey culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadleen xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Waxaa kale oo shalay xubnaha mucaaradka ay kulan xasaasi ah la yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo iyana ay kala hadleen doorkooda ku aadan, sidii ay uga qayb qaadan ahaayeen badbaadinta dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa maalmahan dambe Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News