30.2 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Daawo: Xamza oo qiil yaab leh u sameeyay muddo kordhinta Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhawaaqyada kasoo yeeraya siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in muddo sanad ah u harsan tahay dowladda, halka mucaaradka uu si adag u diidan yahay muddo kordhin.

Xamza ayaa sheegay in dastuurka ay ku doodayaan mucaaradka in aan waxba laga beddeli karin uu markii hore dhigayay in muddo xileedka uu yahay 5 sano, isla markaana haatan dib loo soo celiyay qodobkaasi.

“Waxaa isdiidaya dastuurkii 2012 ayaa dastuur ah iyo waqtiga waa dhamaaday isma laha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dooday in dastuurkii 2012 ay ansixiyeen ergadii 800 ka badneyd uu dhigayay in muddo xileedka 5 sano yahay. “Haddii dastuurkii 2012 la ansixiyay lagu noqonayo maxaa keenay 15-ka May ayay bahashu ku eegtahay.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Meel looga baxo 5 sano ma jirto. Xildhibaannadii berigaa yiri fadhigoodii ugu horreeyay ee Jawaari hoggaaminayay AUN, 2 qodob ayaa dastuurka ka beddelnay oo ahaa qodobkii 5 sano waxaa ka dhignay 4 sano, waxaa kale oo ka beddelnay madaxweynaha kala diri kara baarlamaanka qodobkaana waa ka beddelnay oo waa diidnay. Haddana isla xildhibaannadii unba dib usoo celiyay 5-tii sano ee hore.”

Dhinaca kale, Xamza ayaa sii adkeeyay qabashada doorasho qof iyo cod oo uu sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inay si dhameystiran uga hirgeliso dalka, iyadoo muran xooggan ka taagan yahay sharciyadda muddo xileedka iyo sidoo kale wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

“Siyaasaddu jid la raaco ayay leedahay, jidkaasina waa jid dimuqraadi ah. Dimuqraadiyadda waa lagu tartama, oo cid baa adkaata, ciddii adkaatana ayaa wada, cidda kalena waa mucaaradka laakiin wey oggolaata,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News