Fadeexad: Xasan Sh. oo ku been abuurtay magaca MUDULLOOD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa la xaqiijiyay inuu fangareynaayo shirar la sheegay in siyaabo kala duwan ay uga socdaan magaalada Muqdisho.

Shirarkaani ayaa waxaa la sheegay in taageero loogu muujinaayo Madaxweynaha, kuwaasi oo ay ka socdaan tirro Hoteelo ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa in xitaa uu isaga leeyahay abaabulka shirarkaasi, waxa ayna barbar socdaan shirarkaani kuwo kale oo ay qabsadeen siyaasiyiin kasoo horjeeda Xassan Sheekh.

Waxaa ugu dambeeyey shir shalay ka dhacay Muqdisho oo la sheegay in beesha Mudullood ay ku taageertay Xasan Sheekh, hase yeeshee Caasimada Online ay ogaatay in xaalku sidaas ahayn.

Waxaa shirkii shalay abaabulay shaqsiyaad faro ku tiris ah oo magaca Mudullood taageero ku siiyey Xasan Sheekh, kuwaas oo shirkaas soo abaabulay kadib markii lacag badan ay kasoo qaateen Xasan Sheekh.

Dadka magaca Mudullood ugu been abuuray Xasan ayaa kala ah:-

1 – Wasiiru dowlaha Maaliyadda Cabdullahi Maxamed Nuur.

2 – Agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo dekedaha Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur

3 – Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Ismaaciil Jimcaale

4 – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani

5 – Agaasimaha baratoollka madaxtooyada Cabdirisaaq Kampala.

Beesha Mudullood inteeda badan ayaa ku adkeysaneysa in Xasan Sheekh aysan marnaba dooneyn inuu dib usoo laabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com