25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Daawo sawirada: Sida loo gubay xarunta baarlamanka Gabon

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka taageersan Xisbiyada Mucaaradka dalka Gabon, ayaa dab qabadsiiyay dhismaha Baarlamaanka dalka Gabon.

Mucaaradkani ayaa si aad ah kaga soo horjeeda Madaxweynaha Gabon, Cali Bongo, waxa ayna sheegen in ficilkaasi uu yahay mid hordhac u ah ficilada soo socda.

Mucaaradka gubay xarunta Baarlamaanka Gabon, ayaa aad uga careysnaa natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday Sabtidii, oo la shaaciyay in madaxweyne Bongo uu kaga guuleystay ninka ay sida weyn u loolamayeen ee Jean Ping.

Gubista dhismaha Baarlamaanka ayaa yimid kadib markii Booliska caasimadda Libreville ay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen dadka shacabka ah.

Mr Bongo ayaa la sheegay in uu codad ka yar 600 oo kun kaga adkaaday Mr Ping, ayadoo gobolka uu madaxweynaha kasoo jeedo uu u codeeyay ku dhawaad 100%.
1,

2,

3,

4,

5,

- Advertisement -

Read more

Local News