Dowladda BRITAIN oo sheegtay arrin ay aad ugu faraxday DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Tobisa Ellwood oo ah Xoghayaha British ugu qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Britain ay ka dhabeyn doonto is garabtaaga dowlada Somalia.

Mr Tobisa Ellwood, waxa uu sheegay in Britain ay garab ka geysan doonto dhinacyada Doorashooyinka, Amniga iyo Horumarka Somalia, waxa uuna sheegay in ballanqaadku uusan aheyn mid cusub balse ay doonayaan inay sii laba jibaaran is garabtaaga Somalia.

Tobisa Ellwood, waxa uu sheegay in Britain aysan u dulqaadan doonin in Somalia dib loogu celsho dhowrkii sanno oo ay kasoo gudubtay waxa uuna cod dheer ku sheegay in go’aankooda uu yahay inay u halgamaan sida Somalia ay ku noqon laheyd Soomaalidii horay loo yaqiin.

Waxa uu sheegay in Britain ay dareemeyso in Kooxaha xagjirka ah ay u usii midoobayaan sida Somalia looga dhigi lahaa dhul baaba ah, hayeeshee ay DFS u muujin doonaan is garabtaag muuqda.

Tobisa Ellwood, waxa uu meesha ka saaray in dowlada Britain ay ka gaabineyso is garabtaaga Somalia, balse ay ku haminayaan inay muujiyaan garab lixaad leh.

Haddalka Tobisa Ellwood, ayaa imaanaya iyadoo dowlada Britain ay adkeysay xiriirka Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay 2014-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com