Xog: Caqabada hortaagan xulista xildhibaanada cusub ee G/Mudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili dhawaan la filaayo in Gobolada dalka ay ka bilowdaan xulista Xildhibaanada cusub ayaa waxaa la sheegayaa in weli uu hakat ku jiro qaabka lagu soo xuli lahaa Xildhibaanada maamulka Galmudug.

Sababta uu hakatka ugu jiro xulista Xildhibaanada Galmudug, ayaa la sheegay inay tahay odayaasha dhaqanka ku howlanaa xulista oo aan wali gaarin magaalada Cadaado oo ah halka ay xulista ka dhaceyso.

Odayaasha qaar ayaa la sheegay inay caga jiid ka muujinayaan tegista magaalada Cadaado, waxaana lasoo warinayaa in qaarkood aysan ku sugneyn deegaanada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ee la doonayo inay soo xulaan xildhibaannada Galmudug.

Waxa uu sheegay inay go’aan ka qaadan doonaan haddii aysan Xildhibaanadu si degdeg ah kusoo gaarin magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay in shaqada hadda socota ay tahay mid Soomaaliyeed, islamarkaana waqti mid ah la qabtay, lana doonayo in Odayaasha ay waqtiga aanay dayacin oo ay yimaadaan.

Dhinaca kale, waxa uu ka digay inaan Galmudug wax laga weydiin karin haddii ay dhacdo in reero gaar ah aysan helin miisaankooda waa haddii aysan ergadooda soo xaadirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com