Xog: IGAD oo ka dhabeyneysa go’aankii ay dhawaan qaadatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si xooli ah magaalada Jowhar uga socda kulamo gaargaar ah oo irdaha loogu furaayo shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Juhdiga ugu badan ee lagu hirgalinaayo furitaanka shirkaasi ayaa waxaa iska kaashanaaya DFS iyo IGAD, iyadoo xubnaha IGAD ka jooga Somalia ay isku biirsanayaan hirgalinta go’aankii ahaa in mugdiga ay ka dhex saari doonaan maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Odayaasha gooni u goosatka ka ah shirka ka socda magaalada Jowhar ee iminka ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa la sheegayaa inay kasoo dabceen halkii ay horay u taagnaayen waxaa rajo fiican laga muujinayaa in dhawaan uu hirgali doono go’aanka DFS iyo IGAD ee ku aadanaa in shirka Jowhar laga mirro dhalin doono.

Dowlada Somalia waxa ay sheegtay in dhawaan ay si rasmi ah albaabada ugu furi doonto shirka Jowhar, waxa ayna sheegtay in inta badan khilaafkii taagnaa leyskala soo gudbay.

Rajada ugu badan ayaa la sheegay inay tahay in maamulka cusub ee loo dhisi doono labada Gobol ay si rasmi ah uga qeybqaadan doonaan doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Odayaasha ku gadoodsan Hiiraan weli kama aysan hadal go’aanka heerka gabagabo maraaya ee lagu dhisaayo maamulka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com