Xog: Siilaanyo oo wajigabax kala kulmay danjiraha UK ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kulan khaas ah uu magaalada Hargeysa ku dhexmaray Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Danjiraha Britain u fadhiya Somalia Harriet Mathews.

Kulanka ayaa waxaa looga wadahadlay arrimo ay kamid yihiin Siyaasada Somalia, doorashooyinka Somalia iyo Somaliland, wadahadalada DF iyo maamulka iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Danjiraha Britain ayaa Madaxweyne Siilaanyo wax ka weydiisay qaabka ay Somaliland u dhaqan galindoonto doorashada dhawaan ka dhici doonto deegaanada Mamaulka waxa uuna Mr Siilaanyo uu arrintaasi sharaxaad kasiiyay Danjiraha Britain.

Danjiraha Britain Mr Harriet Mathews, waxa ay Siilaanyo kala hadashay halka uu maraayo wadahadalka kala dhexeeya Somalia, waxa ayna sheegtay in caalamku uu taageersan yahay midnimada Somalia, balse Somaliland ay u furan tahay inay ku qanacdo sida uu caalamku u arko aqoonsiga ay raadinayaan.

Mr Harriet Mathews, waxa ay Siilaanyo ku cadaadisay inay wax la qeybsadaan Somalia inteeda kale, iyadoo carab dhawday inay la socto mudada fog ay Somaliland baadigoobka ugu jirto ictiraaf heer caalami ah, hayeeshee waxa ay rajo xumi ku sheegtay in xiliga la jooga uusan caalamka raali ka aheyn in Somalia la kala qeybsho.

Waxa ay sheegtay inay qireyso in Somaliland ay ku talaabsatay Horumar muuqda iyo xasilooni wada gaartay deegaanada uu maamulka ka arrimiyo, balse caqabada ugu weyn ay tahay in caalamku uusan raali ka aheyn Somalia oo laga dhex sameeyo dowlado gaar ah.

Harriet Mathews, waxa ay Siilaanyo ku amaantay heerka uu gaarsiiyay maamulka, waxa ayse kaga digtay in Xisbiga talada haya uu ku kaco musuq-maasuq ku aadan codadka doorashada, waxa ayna sidoo kale ugu baaqday inuu ka shaqeeyo sida looga badbaadi lahaa dib u dhac ku imaada doorashooyinka maamulka.

Waxay soo hadal qaaday doorashada ka dhici doonta Somalia, waxa ayna Siilaanyo u sheegtay in Beesha Caalamku uu ku qanacsan yahay in Somaliland ay doorashada la wadaagto Somalia inteeda kale, iyadoo la kala qaadaayo khilaafka ka dhexeeya Somalia iyo Somaliland iyo Doorashada guud.

Waxa ay sidoo kale, sheegtay in doorashooyinka ka dhici doona Somaliland aysan u qaadan doonin dowlad doorasho sameysay, balse ay ku ilaalinayaan amniga iyo xasiloonida balse caalamku uu doonaayo Somalia oo hal madaxweyne leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka muuqatay carro ayaa Harriet Mathews u sheegay inay kala saarto Somalia iyo Somaliland, wuxuuna carabka ku dhuftay in Somaliland ay tahay dowlad ka madax-banaan Somalia inteeda kale.

Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland aysan raali galin doonin caalamka marba haddii la hor istaagaayo gooni isutaagooda.

Kulanka Siilaanyo iyo Harriet Mathews, ayaa la sheegay inuu hareereeyay buuq, waxa ayna Somaliland ku khasbanaatay inay adeecdo haddalka Harriet Mathews oo iyadu leh awood diblumaasiyadeed.

Dhinaca kale, Harriet Mathews, ayaa sheegtay in Somaliland looga baahan yahay inay sii wadato howlaheeda ku aadan doorashooyinka balse ay dib isaga soo laaban doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com