Arrin mucjiso ah oo lagu arkay mid ka mid ah gobollada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan Gobolada dalka ay ka dhacaan Mucjisooyin u baahan in lagu waano qaato, ayaa waxaa iminka mucjiso taa lamid ah lagu arkay Deegaan ka tirsan gobolka haylaan oo lagu magacaabo ari-cadka.

Deegaankaani ayaa la sheegay inuu ku dhowyahay degmada dhahar isla markaana kaga beegan yahay dhanka waqooyi.

Qoys kamid ah qoysaska degan Gobolkaasi ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay saaxiib u ahaayen mucjiso waxa ayna sheegen in xiliyada ay kasoo rawaaxan goobahooda ganacsi una soo hoydaan aqaladooda lagu soo qaado weerar loo adeegsaday dhagxaan.

Qoyskaani oo ah reer guuraa ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aysan garankarin halka laga soo tuuro dhagxaanta iyo cidda soo tuurta balse dhagxaantaasi ay ugu soo daatan sida roobka.

Dhagxaanta ayay sheegen in mar waliba ay kasoo gaaran khasaaro, haddana aysan garankarin halka laga soo tuuro.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qoyskaasi lagu weeraro dhagxaan aan la garanayn cida tuuraysa oo lala dhacayo qoyskaan xoolo dhaqata ah.

Waxa uu sheegay in dhagxaantaasi xitaa uu dhaawac kasoo gaaray wadaado ku baxay qoyska si ay halkaasi ugu soo aqriyaan qu’aan.

Wadaadada ayaa qur’aanka kadib go’aan ku gaartay in qudhooda ay halkaasi isaga soo hayaamaan maadaama weerarku uu ahaa mid aan istaageynin.

Sidoo kale, qoyskaasi oo ka guuray guriga ayaa waxaa hadana la sheegay in dhagxaanta aysan ka harin isla markaana ay kusoo duldaatan ilaa guriga ay hadda degan yihiin.

Arrintaani ka taagan degmada dhahar ayaa qeyb ka noqoneysa mucjisooyinka ka dhaca dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com