Video: Xasan Sheekh “PUNTLAND waa laba gobol iyo bar oo kaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Puntland ay ka kooban tahay oo kaliya laba gobol iyo bar, taasi oo aan waafaqsaneyn sida Puntland ay sheegato.

Hadalka Xasan Sheekh oo uu ka yiri kulan uu qabtay Universal TV ayaa loo fasiran karaa inuu ula jeedo in Puntland ka kooban tahay gobollada Bari, Nugaal iyo qeyb ka mid ah Mudug.

Inkasta oo xaqiiqdu ay sidaas tahay oo aysan jirin meel kale oo Puntland ay maamusho, haddana Puntland waxay sheegataa gobollo badan sida Sool, Sanaag iyo Mudug oo gebigiis ay ku qoratay dastuurka.

Hadalka Xasan ayaa la filayaa inuu xiisad cusub ka dhex abuuro Puntland iyo madaxweynaha.

Hoos ka daawo hadalka Xasan