Xog: Xasan Sheekh oo socdaal ku tagaya GAARISA + Ujeeddada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya inuu booqasho ku tago magaalada Gaarisa oo xarun u ah gobolka Soomaalida ay ka degto dalka Kenya ee waqooyi bari, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Waxaa lugu sheegay booqashada madaxweynaha inay noqonayso madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed oo Gaarisa taga, lamana ogga wax-yaabaha uu la xiriiro safarka madaxweynaha.

Horey waxuu madaxweynaha u tagay magaalada Jig-jiga oo caasimad u ah ismaamulka Soomaalida degta dalka Itoobiya,halka oo u maalmo ku sugnaa si weyna loogu soo dhaweeyay.

Waxuu tallaabadan oo an horay madaxda sare ee dowladda dhexe looga arag uu qaadaya madaxweynaha xilli ay waqti yar un naga xigto waqtiga la filaya doorashada madaxweynaha inay dalka ka dhacdo.

Aqoonyahanno badan ayaa horey u dhaliilay socdaalkii madaxweynaha ee Jigjiga, kuna macneeyey mid Ethiopia u xalaaleysay dhulka Soomaalida ee ay gumeysato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com