Xog cusub: Imisa ayaa ku baxday doorashadii Guuleed (Xad-dhaaf)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa markii ugu horeysay si carro leh uga hadlay wax uu ugu yeeray dhaqaalaha ay ku dheeleyso dowlada Somalia ee loogu tallo galay in lagu hormariyo bilicda iyo xasiloonida dalka.

Tarsan oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh ay meel cidla ah ku bixisay dhaqaalihii lagu amaaneystay waxa uuna cadeeyay in dhaqaalaha ugu badan uu Madaxweynaha ku bixiyay dhismaha maamulka Galmudug, halka dhaqaalihii soo harayna uu u isticmaalay qaabab kale oo aan ilaa iyo iminka la ogeyn.

Tarsan waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan uu dhismaha Galmudug uu ku baxshay lacag dhan 14 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah taasi oo loogu tallo galay in loo adeegsado horumarinta dalka balse halkaasi lagu baxshay, sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan waxa uu intaa ku daray in maamulka lagu baxshay lacagta intaasi dhan uu haddana yahay mid fadhiid ah oo aan wali sameyn talaabo horusocod leh.

Waxa uu intaa ku daray in maamulka lagu baxshay dhaqaalaha intaasi la’ eg ay iminka ka fiican yihiin kuwa iskooda loo dhisay, hayeeshee waxa uu taasi ku sheegay mid nasiib darro ah.

Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay dhibaato farabadan kala kulmeyso dhismaha maamulka cusub ee mideyn doona Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com